Askari ka tirsan booliska Congo ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 12 qof oo rayid ah halka 9 kalena ku dhaawacay asagoo sakhraansan,sida ay shegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Warbixin ay soo saareen ciidamada amaanka ee Koonfurta magaldda Kivu, ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay wadaan baaritaan ay ku baadi goobayaan ninka hubeysan ee ku suganaa magaalada Sange, oo 24km u jirta xadka uu dalkaasi la leyahay dalka Burundi.

Madaxweynaha dalkaasi Congo Felix Tshisekedi ayaa wuxuu weerarkasi ku tilmaamay dambi aad u xun wuxuuna tacsi u diray ehelada dhibanayaasha geeriyoday.

Ciidanka dalka Congo ayaa waxaa si weyn loo arkaa inay yihiin cidan tababar liita oo aan xirfad lahayn,waxaana lagu eedeeyaa inay galeen dambiyo ka dhan ah shacabka.