Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dalka Mutahi Kagwe ayaa manta sheegay in 23 dhimasho dheeri ah oo la xiriirto coronavirus laxaqijiyay gudaha dalka 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Tiradan ayaa ah tiradii ugu badneyd dhimasho ah oo laga soo tabiyo dalka tan iyo markii la xaqiijiyey fayraska 13-kii Maarso, 2020.Tirada ayaa waxaa ay ka dhigeysaa wadarta tirada guud ee dhimashada virus-ka dalka inay gaarto 364.

Mr Kagwe ayaa wuxuu kaloo sheegay in 727 xaaladood oo cusub oo la xarirto fayras corona laga xaqiijiyay dalka 24-kii saac ee la soo dhaafay kadib baritaan lagu sameyay 6,371 qof.

Tiarada kisaska manta ayaa waxay tirada guud kisaska corona dalka ka dhigeysa 21,363 tan iyo markii uu cudurkani dalka ka dhilaacay dalka.

Kisaska manta la helay ayaa Mr Kagwe sheegay in 696 qof ay yihiin Kenyan halka 31 ay yihiin ajaanib.Dhanka da’ada qof ugu yar ayaa ah hal sano jir halka qofka uguu weyn yahay 92 sano jir.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in 254 qof ay ka bogsadeen viruska, kuwaas oo 88 ka mid ah ay yihiin kuwa daryeelka guriga ku saleysan halka 166 ay ka kusoo kabsadeen xarumaha kala duwan ee cafimaadka.

Intii lagu gudajiray warbixinada maalinlaha ah, ku-simaha agaasimaha guud ee caafimaadka dalka Patrick Amoth ayaa sheegay in dhimashada qaarkood ay sabab u tahay in bukaanada ay kasoo daahan xarumaha isbitaallada.