Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horuma UPD ahna Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan SHiekh Maxamuud ayaa si faah faahsan uga warbixiyey kulan dhawaan dhexmaray Guddoonka Golaha shacabka iyo Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran kaas oo qabsoomay 28 bishan.

Xassan SHiekh Madaxwyenihii hore eee Somalia ayaa sheegay in uusan jirin wax ajende siyaasadeed ah oo Guddoonka Golaha shacabku u waday Madasha Xisbiyada Qaran sidoo kale aysan jirin wax ajende ah oo Madashu ay u dhiibtay Guddoonka Golaha shacabka.

Mudane Xassan Sheekh Maxamud ayaa sidoo kale sheegay in uusan is badali mowqifka Madasha ee ku saabsan doorashooyinka, “waxaan rabnaa in dalkaan ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda heshiisna lagu yahay waxaana aaminsanhay in la gaari karo haddii talooyinka aan soo jeedineyno la raaco” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn waxa uu bogaadiyey natiijooyinkii lagu gaaray shirarkii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb waxaana uu ku baaqay in la ballaariyo watashiyada siyaasadeed ee hadda socda kuwaas oo uu tilmaamay in lagu gaari karo natiijo wax ku ool ah.