Kenya ayaa maanta diiwaangeliyay 788 kiis oo cusub oo ah caabuqa COVID-19.

Tirada guud ee cudurka Coronavirus ee wadanka ayaa hada gaartay 9,913, sida u xaqiijiyay Dr Rashid Aman oo ah xooghaya Wasaarada Cafimaada ee dhanka maamulka.

Tirada cusub ayaa timid ka dib markii 5,521 oo qof laga baaray fayraska 24 saacadood gudahood.

Kiisaska ayaa 785 ka mid ah ay yihiin Kenyan halka seddex ay ajaaniib noqdin.

Dr Rashid Aman oo ku gudajiray akhriita warbixinta Maalin laha ah ee COVID-19 kana dhacday Magaaladtan Nairobi ayaa sheegay in 100 bukaan ay kasoo bogsadeen cudurka, taas oo dadka ka cafimaaday caabuqa guud ahan ka dhigayso 8,121 qof.

Si kastaba ha noqotee, 14 bukaan oo dheeraad oo la xanusana ah fayraska ayaa geeriyoodin.