Dagaallada siyaasadeed oo u dhexeeya Barasaabka Ismaamulka Nairobi Mike Sonko iyo afhayeenka Barlamaanka hoose ee Nairobi Beatrice Elachi ayaa sii xoogaystay iyadoo labadooduba ay adigsanayaan muruqyadooda siyaasadeed.

Laba Maalin ka hor ayey ahayd markii gudaha dhismaha City Hall oo laga maamulo Ismaamulkan Nairobi ay ka dhaceen rabshado xoogaan.

Arintan ayaa timid kadib markii qaar ka mid ah MCA-yada ay isku dayeen in ay uruuriyaan saxiixyo ay ku doonayeen in ay xilka uga qaadaan afhayeenka barlamaanka hoose ee Nairobi.

MCA-yadani oo la sheegay in ay xirriir dhow la lee yihin gavanaha countiga Nairobi ayaa waxay ku eedeyeen afhayeenka barlamaanka hoose in ay ka danbeyso khilaafka ka dhaxeeyo gavana Mike Sonko iyo Waaxda adeegyada caasimaadda dalka ee NMS.