Laba sarkaal oo bilays ah oo la sheegay in ay dileen laba qof oo shacab aha Magaalada Gaarisa oo ku sugnaa Soko Ngombe ama suuqa Xoolaha ee Magaaladas ayaa Talaadadii la amray muddo toddobo ah xabsiga lagu si hayo.

Alle ha u naxaristi Aaden Madoobe iyo Muxiyadiin Shibin ayaa la toogtay ayaa joogay meel ka mid ah Suuqa Xoolaha ee Garissa Township ayaagona isla goobtas ku nafwayay.
dilkan ayaa la sheegay in u yimid ka dhib markii Saraakiisha DCI-da ay doonayeen in ay kala eryan dad aad u badana oo dibad bax ka dhigayay qabashada nin lagu tuhunsan yahay in u dil gaystay.

Garsooraha maxkamadda Gaarisa Timothy ole Tanju ayaa u oggolaaday bilayska in ay xabsiga ku si hayaan Aden Salat iyo Cabdiraxmaan Samow oo lagu eediyay in ay dilkan gaystin toddobo maalmood .

Saldhigga booliiska ee Gaarisa ayaa lagu si hayee doona inta la soo dhammaynayo baaritaana hada socdo.

Si kastaba ha ahaatee,Tuhmanayaashan ayaa maxkamada dib lagu soo celin doona 4-ta bisha Ogosto ee soo socoto