Madaxweynihii hore dalka Mwai Kibaki ayaa la dhigay isbitaal ku yaal magaaladatan Nairobi laba todobaad kadib markii laga saaray isbitaal.

Madaxweynihii hore ee wadanka ayaa la sheegay in dib loogu celiyay cisbitaalka ku yaala Nairobi waxaana la dhigay qeybta VIP-da halkaasoo hada lagu daweynayo.

Ma jiro qof ka hadlay nooca uu yahay xanuunkisa Mr Kibaki xita qoyskiisa, kali ah waxaa la soo tabiyay in daweynayo.

Bishii aynu soo dhaafay, Madaxweynihii hore Mzee Mwai Kibaki ayaa la dhigey isla isbitaal hada lagu dabibayo oo ku yaal magaaladatan Nairobi waxaana xiligas laga daaweeyay xanuun aad u daran caloosha hoose ah.

Kibaki oo hada 89 sano jir ah ayaa wuxuu Madaxweyne wadanka ka soo aha intii u dhaxeysay 2002 iyo 2013.