Wararka ka imaanayo Gobolka Jubbada dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Gelinkii dambe ee Maanta ay diyaarado dagaal duqeyn ka geysteen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Halkaas ay duqeynta ka dhacday ayaa waxaa maamulaan Al-Shabaab.

Wararka la helaya ayaa waxaa ay sheegayaan in mid kamid ah Gantaalaha ay tuurtay diyaarada duqeynta fulisay in uu ku dhacay Guri ay degan yihiin dad rayid ah,waxaana uu sababay dhimashada laba Carruur ah iyo burburka qeyb kamid ah guriga.

Diyaarado la aamisan yahay in uu leeyahay Mareykanka ayaa duqeyntaasi fuliyay,waxaana xaafadaha degmada Jilib laga maqlay dhowr jug oo is xig xigtay, taa oo dareen baqdin leh ku dhalisay shacabka ku dhaqan degmadaas.

Dadka ku nool degmada jilib ayaa gurmad u sameeyay qoyska ay waxyeelada kasoo gaartay duqeynta, iyaga oo sheegay inay aad uga naxeen falkaasi,waxaana goobat tegay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo gacanta ku haya degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaan weli ka hadlin duqeynta Galabta ka dhacday degmada Jilib, waxaana ay ku soo aadeysaa xilli shalay uu Mareykanak qirtay inay dad rayid ah wax ku noqdeen duqeyn uu sanadkaan 2020 ka geystay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.