Wasaarada cafimaadka ee ismaamulka Garissa oo kaashaneyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa ey maanta soo saartay talaabooyinka looga hortagayo cudurka Covid-19 oo ey tahay in lagu dhaqmo inta lagu guda jiro maalamaha ciida.
Talaabooyinka ayaa waxaa ay yihiin:
1-Iney mamnuuc yihiin in lagu tukado ciida meel garoon ah iyo sidoo kale isku imaad walba oo quseeya ciida gudaha ismaamulka Garissa.
2-Masaajidada ayaa waxaa ey ku qasbanyihiin in ey u hogaansamaan shuruucda, sida:
3-In la ilaaliyo in la isku jirsado ugu yaraan 1.5m ilaa 2m taas oo qasab ey tahay in la sameeyo Calaamad lagu garanayo.
4-Waa in la xiro meelaha laga weysesto iyo sidoo kale kitaabada Quranka ah lagu xiro meel lagu keydinaayo taas oo qasab ka dhigeyso in dadka ey guryahooda kala imaadan kitaab ama ey ku soo shubtaan talefonkooda gacanta.
5-Caruurta ey da’adooda kaheso 13 iyo dadka da’dooda ka sareeyso 58 aya lagu amray ineysan masajidka imaanin si lamid ah dadka qaba cudurada halista ah.
6-Sidoo kale dadka aya lagu amray iney masajidka la imaadan sali ey kutukadaan sidoo kale in ey xirtaan marada afka lagu xirto iyo iney istacmalaan sanitizer marka ey masajidka soo galayaan iyo marka ey ka baxayan.
7-Warbixinta yaa ugu dambentii lagu xusay in wasaarada caafimadka ee ismaamulka Garissa ey si her sare ah ugu diyaarsantahay.
8-In ey la tacaasho kiis kasta oo ku saabsan Covid-19 oo laga soo tabiyo gudaha ismaamulka Garissa.
9-Waxaa warbixintan Saxaafada ka hor akhriyay xogyaha dowlada ismaamulka Garissa Abdi Sheikh Maxamad sidoo kale waxaa goobta ka hadlay isku duwaha diinta iyo oowqaafta ee ismaamulka Garissa Sh Mohammed Dhabar.