Magaalada Muqdisho ee Casimaada dalka Somalia gaar ahaan Xarunta Madasha Xisbiyada ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ku-xigeenkiisa iyo Madaxweyneyaashii hore ee dalkas Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamud.

Kulankaas ayaa la sheegay inuu yahay dalab ka yimid dhinaca Guddoomiye Maxamed Mursal iyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Muudey, waxaana looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda wadankas iyo sidoo kale isbadelkii ka dhacay ee xilka looga tuuray , raiisul Wasaare Xasan Kheyre.

Wararka ayaa intaas ku sii daray in labada Guddoomiye ay hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh fariin uga sidaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gudoomiye Mursal iyo Muudey ayaa hormuud ka ahaa xilka qaadistii Xasan Cali Kheyre.

Wararka aan helayno ayaa sheegayaan in ay ku qancinayaan Mucaaraadka in ay keenaan Ra’iisul Wasaare si loo helo Muddo korosi.