Wadanka ayaa Maanta laga diiwaangeliyay 606 kiis oo cusub oo ah cudurka COVID-19.
Guud ahaan dalka ayaa tirada laga helay caabuqa coronavirus hada gaartay 18,581.

kiisas cusub ee Maanta la sheegay ayaa laga soo dhex saaray 4,888 qof oo laga tijaabiyay viruska 24 saacadood gudahood.

WasiirkaCaafimaadka dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in marka la eego dhanka jinsiga, 409 ay rag yihiin halka 197 ay dumar noqdin.

Da’da waxaa ugu yar cunug afar bilood jir ah halka kan ugu weyna uu yahay 85 sano jir.

Kiisaskan 583 waa Kenyan halka 23 ay ajnabi yihiin.

75 bukaan oo ka cafimaaday cudurka ayaa laga saaray Cisbitaalada taas oo wadarta tirada guud ee soo kabashada caabuqa COVID-19 ee dalka ka dhigayso 7,908 qof.

14 bukaan oo dheeraad ah oo uu ku dhacay fayraska,ayaa geeriyooday dhimashada ayaa hada gaaartay 299.

Kiisaska ayaa waxaa laga kala soo sheegay Ismaamulda kala ah Nairobi 448, Kiambu 54, Kajiado 25, Machakos 16, Uasin Gishu 11, Nakuru 11, Kericho sagaal, Busia 7, Mombasa todobo, Gaarisa lix, Bomet saddex, Nyeri laba, Narok laba, Nandi labo, Embu, Lamu iyo Muranga oo min hal kiis laga soo sheegay.

Si kastaba ha noqotee, Magaaladatan Nairobi ayaa kiisaska ugu badan waxaa laga soo sheegay Embakasi, Wasiirka Wasaarada Cafimaadka dalka ayaa dadka ku dhaqan deegaankan ku booriyay inay digtooni mujiyaan.