Madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in waddoyeenka oo la xiro aysan ka caawin doonin Kenya dagaalka lagula jiro cudurka coronavirus xilligan.

Isaga oo ka hadlayey Aqalka Madaxtooyada maanta, ayuu Uhuru sidokale sheegay in dadka Kenyanka ah ay tahay inay bartaan sidii ay isu caawin lahaayeen logana hor tagi lahaa faafitanka caabuqa COVID-19.

Uhuru ayaa dhanka kale uga digay shacaabka in ay qaataan dhaqamo xun xun iyado ay jirto dadaallo lagu xakameynayo cudurka coronavirus.

Caabuqa COVID-19 ayaa waxa ku dhintey dad gaarayo 285 oo wadanka ku noolaa tan iyo markii uu dalka ka dillaacay cudurka March 13, 2020.

Afartan iyo shan ka mid 47-da Ismaamul gobaleed ee uu dalka ka kobanyahay ayaa kiisaska Covid-19 laga soo tabiyay Kali ah West Pokot iyo Samburu ayaa wax kiis ah oo ku sabsan viruska corona laga xaqiijinin.
440 kiis oo cusub ayey Maaanta shaacisay wasaaradda Cafimaadka dalka taas oo tirada guud ka dhigayso 17,975.