Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo malmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Galabta soo gaaray Magalada Muqdisho ee Casimaada uu ah dalka Somalia.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho waxaa Wafdiga Madaxweyne Waare kusoo dhaweeyay Xilibaano ka tirsan Hirshabelle, Siyaasiin iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda Faderaalka Soomaaliya.
Waa madaxweynihii labaad ee ka tirsan Dowlad goboleedyada kajira dalkas ee gaaro Muqdisho,kadib xilka qaadistii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Waare ayaa waaxa kasoo horeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) .