Australiya waxay diiwaan gelisay rikoorkeedii ugu badnaa abid ee maalinlaha ah ee dhimashada coronavirus.
Tirada infekshanka coronavirus-ku waxay ku dhacday 16 milyan adduunka oo dhan, halka in ka badan 644,500 ay dhinteen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Jaamacadda Johns Hopkins. In kabadan 9.26 milyan oo qof ayaa soo kabsaday.
Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un ayaa xanibaad saaray magaladda kaesong meel u dhow xadka ay leeyihiin Kuuriyada Koofureed walaaca laga qabo corona virus.
Vietnam ayaa mar kale heegan sare ugu jirta cudurka coronavirus ka dib markii saraakiisha caafimaadka ee bartamaha magaalada Da Nang ay ogaadeen kiiskii ugu horreeyay ee dalkaasi laga soo tabiyo mudo sadex bolood ah.