Booliska Israel ayaa xiray 12 qof waxayna loo isticmaalay sunta dadka ka ilamysisa kahor waaberigii Axada si ay u kala eryaan banaanbaxayaasha careysan ee ka mudaaharaadaya wax ka qabashada dowlada ee dhibaatada Coronavirus,sida uu sheegay afhayeenka booliska Israel Micky Rosenfeld.

Xariggan ayaa yimid iyadoo kumanaan reer Israel ah ay Sabtidii dhowr jeer ka sameeyeen mudaaharaadyo ka dhan ah Raiisel wasaare Benjamin Netanyahu, mudaaharaadka ugu weyn ee ka dhacayay Jerusalem meel ka baxsan guriga rasmiga ah ee Mr Netanyahu.

Mudaaharaadyada ayaa socday toddobaadyadii la soo dalka Israel ayaa waxaa ay timid kadib daleceyn ah sida dowladdu Israel uguu guul daresatay wax ka qabashada coronavirus kadib markii hore oo uu muuqatay in dowladda in fayraska ka guleysatay.

Dhanka kale edeymaha musqmaasuqa ee Netanyahu ayaa sii huriyay banaanbaxyada kaso socda dalkaasi.