Laba sargaal oo bilays ah ayaa loo qabtay shil toogasho ah oo ka dhacay Suuqa xoolaha ee gudaha Magaalada Gaarisa.

Qoraal lagu soo qoray barta Twitter-ka maanta oo Axadda ah,maamulka sare ee booliiska dalka ayaa waxay ku amreen Agaasimaha Waaxda Arimaha Gudaha iyo dambiyada boliska Maxamed Amiin inuu si dhakhso leh u sameeyo baaritaanno ku saabsan dilkii ka dhacay magaldda Garissa.

Laba sargaal oo bolis ah ayaa loo qabtay dacdadaas oo lagu dilay labo qof halka qof kale lagu dhaawacay.