Laba qof ayaa loo xiray qoraal ay kusoo qoren barta Facebook ka dib markii ay sheegeen in Wasiirka arrimaha gudaha dalka Dr Fred Matianga oo xanuusanyahay oo uu ku jiro qeyb-ta xaalada deg deg isbitaalka oo loo yaqaano ICU-da.

Isaac Kibet Yego oo 33 jir ah, iyo Emanuel Kimutai oo 19 jir ah, ayaa shalay oo Sabti aheyd ay waaxda DCI-da ku xireen magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.

Labada shakhsi ayaa ku tuhman inay qoreen qoraal isla markaana ay daabaceen macluumaad been abuur ah oo ku saabsan sarkaalka sare ee dowladda katirsan.

Waaxda dambi barista ee DCI-da ayaa waxay sidoo kale gacanta ku dhigtay kumbuyuutar iyo laba taleefanno gacmeed oo looga shakisan yahay in loo adeegsaday diyaarinta iyo faafinta macluumaadka marin habaabinta ku ah bulshada.

Agaasimaha waxda DCI-da dalka George Kinoti ayaa wuxuu uga digay qofkasta oo baraha bulshada ku faafiyo naceybka qof kale mise been abuur ay tahay sharci daro oo sharci lala tigsan doono.

Mr Matiangi ayaa waxaa uu sheegay sheegashada ah in isbitaal la dhigay inay ku kaliftay isaga iyo qoyskiisa murugo aad u badan, taasoo uu sheegay in ay ku qasabtay shaksi ahaantiisa inuu taleefankiisa damiyo.