Dadweynaha ismaamulka Kiambu ayaa lagu wadaa inay helaan cutuba ah 104-sariirood oo cudurka corona looga hortagayo marka la gaaro bisha Sebtember.

Shirkada lagu magacaabo Mabati Rolling Mills ayaa waxay iskaashi la sameysay dowladda Kiambu iyo Sanduuqa Gurmadka degdegga ah ee Kiambu ee Covid-19 si loo dhameystiro mashruuc ku baxeyso lagac dhan 25 milyan oo lacagta dalka ah.

Madaxa hay’adda Mabati Rolling Mills Andrew Heycott ayaa yiri sidatan mar uu warbaahinta la hadlayay”Waxaan haysannaa qaar ka mid ah tikniyoolajiyaddii ugu wanaagsaneyd ee dhismayaasha biraha ee hore loo farsameeyay taas oo noo oggolaaneysa inaan gaarsiinno qaybta go’doominta waqtiyada adag iyo tayada ugu wanaagsan iyo qiimaha,”.

Mr Heycott ayaa wuxuu sidokale sheegay in tikniyoolajiyadda birta ee horay loo farsameeyay ay u oggolaaneyso in sariraha lagu sameeyo dhismaha bannaanka ee isbitaalka, Ka dibna si dhakhso leh loogu wareejiyo goobta loogu talo galay iyadoo wakhti badan qadaneynin in la lumiyo.

Guddoomiyaha ismaamulka Kiambu James Nyoro ayaa uga mahadceliyey shirkadda Mabati Rolling Mills deeqda ay ka geysteen mashruuca isbitaalada ismaamulkasi Kiambu, isaga oo intaa ku daray in deqdan ay timid xilli uu ismaamulkasi diiwaan-galiyay tira badan oo la xariro cudurka Covid-19.