Hay’adda Madaxa-bannaan ee lasocodka hab daqanka booliiska dalka ayaa bilaawday baaritaan ku saabsan toogashada laba qof gudaha magaalada Gaarisa.

Bayaan ay soo saartay fiidnimadii Sabtida, IPOA waxay ku sheegtay in baritaaanka kadib ay faahfaahin bixin doonto.

Labada qof ayaa la dilay halka haweeneyna la dhaawacay ka dib markii booliiska ay isku dayeen in ay kala eryaan dadweyne ka soo horjeeday qabashada nin looga shakiyay in dil uu geestay.

Xildhibaanka magaalada Garissa Aadan bare Ducaale ayaa dhalleeceeyay dilalkaas isagoo ku sheegay arinkaas arxan daro heerkii ugu sarreeysay.

Dhanka kale gudoomiyaha ismaamulka Garissa Ali Bunow Korane ayaa sidoo kale dhalleeceeyay dilka labada qof ee deegaanka ah.

Mr Korane ayaa ku tilmaamay falkaasi mid laga xumaado, isagoo ka codsaday wasaarada arimaha gudaha dalka in ay tilaabo deg deg ah ka qaado askarta dilka geesatay.