Koox maleshiyaad ah ayaa waxay dileen ugu yaraan 20 qof, oo ay ku jiraan caruur, kuwaas oo booqanayay beerahooda kuyaal gobolka Darfur ee dalka Suudaan halkasi oo dagaal ka socdo mudo.

Dilka dadkan ayaa ka dhacay tulada Aboudos, oo qiyaastii 90 kiiloomitir ka xigta koonfurta magaalada Nyala, oo ah magaalo madaxda gobolka Darfur.

Tirada dhimashada ayaa si kordhodi kartaa,sabab ah in qaar ka mida dhaawaca ayaa xaaladdoodu halis tahay.

Gobolka Darfur ayaa waxaa ka socdaa dagaal sokeeya tan iyo sanadkii 2003, markii qowmiyadaha tirada yar ee Madowga ahi ay qaateen hub ka dhan ah ciidamadii dowladda xukunka hayey waqtigaas,oo Madaxweyne Cumar al-Bashiir oo madaxweyna ka ahaa dalkaasi Sudan, iyaga oo ku eedeeyay xukumada Mr AL bashir in gobolka darfur go’doomiyay.

Al-Bashiir, oo laga qaaday xafiiska sanadkii hore,ayaa waxaa doonaysaa maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICC- isagoo edeyay dambiyada dagaalka iyo dacwadaha xasuuqa ee la xiriira gobolka Darfur.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ugu yaraan 300,000 oo qof ayaa la diley halka 2.5 milyan ay ku barokaceen dagaalka ka socda gobolkaasi dafur inta uu xilka hayey Mr Al bashir.

Dawlad ku-meelgaar oo awood qeybsi ah oo udhaxeysa shacabka iyo militariga ayaa la dhaariyay bishii Sebtember ee sanadkii hore kadib markii militariga ay xilka ka qadeen Mr Al Bashir.

Bishii Janaayo ee sannadkan, isbahaysi ka kooban sagaal kooxood oo mucaaradka ah -oo ay ku jiraan kooxo ka soo jeeda gobolka Darfur ay heshiis hordhac ah la saxixday dowladda kadib wadahadallo socday todobadyo.