Ururka Caafimaadka Adduunku (WHO) ayaa sheegay in ay kor u kacday tirada kiisaska cudurka coronavirus ee calaamka.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa 284,196 ayaa adduunka laga diwaan galiyay caabuqa COVID-19.

Hindiya waxay soo bandhigtay in ka badan 49,000 xaaladood oo cusub oo ah cudurka ‘coronavirus.

Faransiiska ayaa kula taliyay muwaadiniinteeda inaysan u safrin gobolka Isbaanishka ee Catalonia si looga caawiyo xakameynta faafitaanka COVID-19.

Qiyaastii 15.7 milyan oo dad ah oo adduunka ku nool ayaa laga helay COVID-19, halka in ka badan 638,000 ay dhinteen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen jaamacadda Johns Hopkins.

In ka badan 8.98 milyan oo qof ayaa soo kabsaday.