Dalka ayaa laga diiwaangaliyay 375 oo ah caabuqa Covid-19, 24-kii saac ee la soo dhaafay taas oo sare u qaadday kiisaska cudurka Coronavirus.

Tirada guud ee cudurka COVID-19 ayaa hada gaartay 16,643 sida u sheegay Dr Rashid Aman oo ah Xooghayaha dhanka maamulka ee Wasaarada Cafimaadka dalka.

Aman (sawir) wuxuu sheegay inay tijaabinayeen 2,052 iyadoo la keenay 268,154 muunad oo ay wasaaradu tijaabisay ilaa iyo bishii Maarso markii kiiskii ugu horreeyay laga soo sheegay dalka.

Dhanka Dr Aman ayaa sheegay in 229 ka mid ah kiisaska cusub ay yihiin rag yihiin halka 146 ay noqdin dumar.
da’dooda ayaa dadkan waxay u dhaxayso 5 bilood jir illaa iyo 90 sano jir.

Kiisaska , 351 waa Kenyaan halka 24 yihiin ajaaniib.
128 qof ayaa ka bogsadin cudurka tirada guud ee kabsashada ayaa noqotay 7,574
Dr Rashid Aman ayaa shaaciyay in afar qof oo dheeri ah ay u dhinteen coronavirus- taas ayaa tirada dhimashada ka dhigeysa 278.
Ismaamulka laga helay tiradan cusub ayaa kala ah Nairobi (240), Kajiado (36) Kiambu (31) Migori (16) Machakos (15) Nakuru (14) Nyeri (5) Ksimu (3) Mombasa (3), Uasin Gishu (3) Tran NZoia (2 ) Meru, Kakamega, Siaya, Nyamira, Kisii, Vihiga iyo Muranga ayaa min hal kiis laga soo tabiyay.

Nairobi: Langata (30) Dagoretti North (26), Kibra (26), Makadara (19) Embakasi South (14) Starehe (13) Galbeedka (31), Embakasi East (12), Embakasi West (12).