Maxkamad ku taal Meru ayaa soo saartay amar lagu xirayo laba sarkaal oo ka tirsan Ismaamulka Isiolo oo lagu haysto 67 milyan shillinga dalka in ay lunsadin.

Ku xigeenka diiwaan-hayaha Meru Edward Tsimonjero aya amar ku siiyay taliyaha bilayska Meru Patrick Lumumba inuu dhaqan-geliyo xiritaanka Xoghayaha Gobolka Isiolo Ahmed Galgalo iyo madaxa fulinta Maaliyadda Abdinasir Hajj.

Labada shaqsi ayaa lagu eedeeyay inay ku guuldareysteen bixinta qandaraas lacaaged oo dhan 10 bilood ka dib markii xukun la soo saaray.

Labadan nin ayaa bishii Sebtember 12, 2019 lagu xukumay in ay bixiyaan lacagta ay ku leedahay shirkadda Center Star kadib markii la joojiyay heshiis lagu dhisayo guri kuyaalo halkas.

Bishii Oktoobar 21, 2014, ayaa dawladda Isiolo waxay si iskeed ah u joojisay qandaraaskii ay la gashay shirkadda Center Star waxayna u dhiibtay shirkadda Al Imran Investment Limited.