Dalka ayaa manta oo Jimca ah waxaa laga diiwaan geliyay 667 kiis oo cusub oo la xariro Covid-19 iyada oo guud ahaan dalka laga diwaaan galiyay kisas dhan 16,268 xaaladod.

Tirada kisaska maanta ayaa laogaaday kadib baadhitaan lagu sameyay dad tiradooda gaadheyso 5,075 qof la tijaabiyay 24 saac ee la soo dhaafay.

Xogayaha wassaradda Caafimaadka dalka Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in marka la eego dhanka jinsiga, 393 ay yihiin rag halka 274 ay yihiin dumar.Dhanka da’ada qofka ugu yar ayaa ah cunug bil jir ah, halka qofka ugu weyn uu jiro 67 sano.

Dhanka dadka ka caafimaday corona dalka ayaa manta waxaa kasoo kabsday cudurka dad gadhayo 311 bukaan, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee soo kabashada corona dalka 7,446.

Si kastaba ha noqotee, 11 bukaan oo dheeraad ah ayaa uu dhimatay fayraska, iyadoo guud ahaan dhimashada dalka gadhay 274 dhimasho ah.