Waxaa Magaalada Daarusalaam. ee dalka Tanzania ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Tanzania Benjamin William Mkapa,.
Dhimashadisa waxaa xaqijiiyay Madaxweynaha Tanzania Mr John Magufuli.

Wuxuu warkan ka sheegay Magufuli Televisonka qaranka dalkas ee (TBC) wuxuna shaaca ka qaaday in Benjamin William uu ku geeriyoday Isbitaalka Daarusalaam halkaas oo la dhigay.

Benjamin William Mkapa Wuxuu dhashay November 12, 1938.

Wuxuu geeriyooday Da,da 81 sano jira

Mr Mkapa wuxuu hogaaminayay Tansaaniya 1995 ilaa 2005 ka hor inta uusan ku wareejin Jakaya Mrisho Kikwete.