Sargaal boolis ah ayaa la dilay halka saddex qof oo kalena lagu dhaawacay fiidnimadii Arbacada tuulada Yumbis ee ismaamulka Garissa ka dib markii koox looga shakisanyahay al-Shabaab ay weerareen xero boolis oo ku taalo halkaasi.

Xiriiriyaha iyo iskudubaha Gobolka Waqooyi-bari Nick Ndalama ayaa sheegay in askarta dhaawacmay lagu dabibayo cisbitaalka guud ee magaladda Gaarisa.

Intii uu socday weerarkani fiidnimadii arbacada, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo waaweyn oo ay xigeen rasaas is daba joog ah oo ka dhacday xerada Yumbis oo ku taalo degaanka Dadaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay sidoo kale argagax geliyeen dadka degaanka iyaga oo ku eedeeyay dadweynaha in ay macluumaad la wadaageen hay’adaha amniga ee degankaasi.

Tuulada Banane, dhowr guri ayaa dab la qabadsiiyay oo ay ku jiro guri uu lahaa maamule dugsi hoose oo halkaasi ku yaalo.