Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ka furmay shir u dhaxeeyay Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada dalka Somalia kajira,kuwaas oo muddo ku dhow 10 Cisho halkaasi u joogay qabsoomida shirkaan.

Shirka oo isla Caawa la soo geba-gabeyn doono ayaa waxaa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen Madaxda Shirtay, iyada oo intasi kadib khudbado ay madaxda jeedin doonaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka socday Shirar gaar gaar ah iyo mid guud oo u dhaxeeyay Madaxda Sare ee Dowladda & Dowlad goboleedyada, iyada oo ay jireen qodobo qaar oo ay isku mari waayeen.

Ajandaha Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada ee Magaalada Dhuusamareeb oo ay Warbaahinta heshay ayaa waxaa ku qoran in Mas’uul kasta fursad loo siiyay in uu hadlo min 10 daqiiqo kadibna shirka la soo geba-gabeeyo.