Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uusan ku kadsoomin waxa uu ugu yeeray taageeryaal doonaya in uusan aqbalin go’aanka aysan isku raacan yihiin Madaxda ku sugan Dhuusmareeb.

Waxaa uu ugu baaqay Madsaxweyne Farmaajo in uusan dalka ku hoggaamin waddo Mugdi ah, islamarkaana aysan jihada ka lumin dad aan la dooran.

War uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa

Taageerayaashu kol kol bay madaxda bohol ka ridaan, iyagoo cabsi gelinaya, tusayana guuldaro siyaasadeed. Sidan oo kale ayey sanadkii 2015 dooddi dhexmartay Goodluck Jonathan oo ahaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria iyo taageerayaashiisa. Waxay ku qalqal geliyeen in uusan guul ka keenaynin doorashada, sidaa darteedna uu dib u dhigo, laakiin kama yeelin. Waa laga guulaystay, laakiin maanta mudnaan iyo qadarin ayuu ku dhex leeyahay bulshada iyo Dowladda Nigeria.

Waxaan xog ku haynaa in rag uu madaxweynuhu ku kalsoonyahay ay ku cadaadinayaan in uusan aqbalin go’aanka inta kale isku raacsanyihiin oo uu markii hore u dabacsanaa, iyagoo tusaya sawir mugdi ah oo mustaqbalkiisa doorasho la xariira. Waxey kula talinayaan mar uun meesha ka soo lug bax, xili kale dib ha loo balamo, kaddibna sidii shirkii Somalia iyo Somaliland ee maalin dhowayd Jabuuti lagu qabtay ee labada toddobaad loo ballamay yaan dib la isugu soo laaban.

Madaxweynaha isagaa la doortay, kuwa taleefanka u soo diraya lama dooran, masuuliyaduna isaga ayey saaran tahay, waa in uu go’aan geesinimo leh qaato. Waa in uu tixgeliyaa madaxweynaha martida loo yahay iyo shacabka Galmudug oo ku dhowaad kun qof jeebkooda maalmo badan ka marti geliyey.

Madaxweyne go’aan aad berri aqbali doontid, maanta libintiisa ha u diiidin hoggaanka iyo shacabka Galmudug. Madaxda iyo shacabka Galmudug ma aha in ay aqbalaan in daddaalkoodii uu noqdo hal bacaad lagu lisay oo go’aan la’aan shirka lagu kala tago.

Masuuliyiinta kalena ma aha in ay aqbalaan in go’aan la‘aan shirka lagu kala dareero. Go’aan waa in hadda la qaato, waxa la isugu soo laabanayana ay noqdaan fulin iyo farsamo.