Wasaaradda Caafimaadka dalka ayaa shaacisay 603 xaaladood oo dheeraad ah oo ku saabsan cudurka ‘coronavirus’, iyada oo tirada guud caabuqa uu soo ritay ay ka hada gaartay 13,353.

Tiradan Cusub ayaa timid ka dib marki tijaaba laga qaaday 5,724 oo qof 24-kii saacadood ee la soo dhaafay sida uu sheegay Wasiirka Cafimaadka dalka Mr Mutahi Kagwe.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ku dhawaaqday 682 oo ah dad ka soo kabasaday virus Corona iyadoo tirada guud ee ka cafimaaday COVID-19 ka dhigaysa 5,122 qof.

Dhanka kale sagaal qof oo dheeri ah ayaa caabuqa u geeriyoodin dhimashada ayaa hada gaartay 234 tan iyo marki uu dalka Coronavirus ka bilawday 13 bishi March sanadkan 2020 .