Dawlad Gobaleedka Wajeer ayaa sheegtay in loo bahanyahay in lala shaqeeya Wasaarada Cafimaadka dalka si loo xakameeyo Cadurka coronavirus.
Guddoomiyaha Ismaamulka Wajeer Maxamed Cabdi ayaa ku boorriyay dadka deegaanka inay ka wada shaqeeyaan yareynta faafitaanka Covid-19

Goobaha cibaadada sida Masaajida ayuu sheegay in loga bahanyahay waqti walba ay raacan tilmaamaha Wasaarada Cafimaadka.

Barasaabka ayaa wuxuu la kulmay saraakiisha caafimaadka ,iyo Culimada Wajeer si loo hirgeliyo tilmaamaha ku saabsan dib u furitaanka goobaha cibaadada.

Waxaa goob joog ka ahaa shirkan gudoomiye kuxigeenka Ismaamulka Wajeer Axmed Mukhtaar, kuxigeenka Kadhiga Sheikh Sukyan Hassan iyo Adan Yunis oo ah gudoomiyaha waqooyi bari ee Supkem.