Xiddiga Wolves ee Adama Traore ayaa si aad ah looga doonaya suuqa kala iibsiga xagaaga ciyartooyda ee europe.

Kooxaha Manchester City iyo Juventus ayaa si weyn xooga u sarayaan sidii ay safka hore uga galeen saxiixa garabka Wolves Adama Traore – sida laga soo xigtay ESPN.

Labada kooxod ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqaan 24 jirka hadii kooxda Nuno Espirito Santo ee Wolves aysan u soo bixin isreebreebka Champions League.