Booliiska Magaalada Gaarisa ayaa ka joojiyay mudaaharaad la sheegay in laga dhigi rabay Magaaladas Garissa.

koox u ololeeynaysay inay mudaaharaadkan dhigan logana soo horjeedo Ismaamulka Garissa ayaa lagu war galiyay in aan la qaban karin sababa la xiriro ayaa la yeri caabuqa COVID-19.

Kooxda Garissa Watchdog Group ee Magaalada Garissa ayaa booliska ku wargaliyay mar hore banaanbax qorsheysan logana soo horjeedda waxa ay ku tilmaameen musuq maasuq baahsan oo ay ku eedeeyeen masuuliyiinta dowlad Gobaleedkas.

Kooxdan oo uu hogaamiyo gudoomiyahooda Xasan Aadan Gumo, ayaa sheegay in mudaaharaadku uu ahaa in lagu waydisto hay’adaha wax baadhan si ay u baari la hayeen sida lacagta Ismaamulka Garissa loo adeegsaday.

Waraaqad ka soo baxday isku duwaha dhanka amanka ee gobolka waqooyi-bari Mr Nicodemus Ndalana iyo saraakil kale oo amniga u xilsaran ayaa lagu sheegay in si naxariis leh loo raadiyo dariiqya kale oo cabashada lagu gubin karo laakiin mudaaharaad la qaban karin sababa la xiriro viruska Corona.

Dhanka kale gudomiyaha kooxda Garissa Watchdog Group Xasan Aadan Gumo ayaa sheegay in mas’uuliyiinta gobolka laga yaabo inay gacan ku lahaayeen burinta mudaaharaadkan.
Mr Gumo oo sii hadlayay ayaa ku nuxnusaday in ay sii socon doonaan oo ay joojin doonin arinta ku sabsan Ismaamulka Garissa.

Xasan Aadan Gumo, ayaa sheegay inay raadinayaan dacwad gaar ah oo ku socoto Barasaabka Garissa County Cali Bunow Korane.

“Waxaan rabnay inaan mudaaharad qabano kana dhan ah musuqmaasuq iyo hufnaan la’aan dhammaan howlaha dowladda; xitaa haddii dibadbaxa la joojiyo, waxaan samayni doonnaa arin kale” ayuu yidhi Mr Gumo.