In ka badan 212,000 kiis oo cusub oo coronavirus ah ayaa hay’adda Caafimaadka adduunku ee WHO ay soo tabisay caalamka oo dhan taas oo ah kororkii ugu badnaa ee hal maalin dhaca tan iyo markii uu bilaawd cudurkan.

WHO ayaa sheegtey inay joojineyso tijaabadeeda ku saabsan daawada duumada ee hydroxychloroquine ee malaariyada iyo tijaabinta daawada HIV lopinavir / ritonavir ee bukaan jiifka cusbitaalada qaba COVID-19 kadib markii daawooyinka ay ku guuldareysteen inay yareeyaan dhimashada la xariirto caabuqa corona.

Calaamka hadii jaleecno dalka Mexico ayaa  laga soo tabiyay 523 dhimasho oo dheeraad ah ee coronavirus-ka  ah, isla markaana ka sarreysay Faransiiska taasi oo kadhigeyso dalka Mexico dalka shanaad ee ugu sareeya adduunka dhanka dhimashada la xariirto cudurka corona.

Guud ahaan caalamka kiisaska corona virus-ka ayaa gaareen 11.23 milyan halka 6 milyan oo bukaanno ah ay soo kabsadeen, sida laga soo xigtay xogtii uguu dhambesay ee jaamacadda Johns Hopkins.Dhanka kale Tirada dhimashada adduunka oo dhan ayaa gadhay in kabadan 530,000 oo qof.