Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir oo wareysi siiyey warbaahinta ayaa ka hadlay diyaarad ay shalay dowladda Soomaaliya ka celisay hawada, taas oo qaad u siday magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaasi ay jirto, isaga oo tilmaamay in dowladda federaalka ay qaaday tallaabo qaldan, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastabaha ha’ahaatee weli dowladda federaalka kama aysan hadlin go’aankii shalay dib loogu celiyey diyaaraddii ku socotay Hargeysa oo ku laabatay gudaha dalka Kenya.