Sergio Ramos ayaa ahaa geesiga rigoorada kooxda Real Madrid markii labaad oo xariir ah muddo afar maalmood gudaheed ah markii ay 1-0 kaga badiyeen Kooxda Athletic Bilbao taasoo keentay inay hogaanka LaLiga 7 dhibcood oo nadiif ah ku hogaamiyaan.

Wiilasha macaalin Zinedine Zidane ayaan wax caqabad ah la kulmin tan iyo markii dib loo bilaaabay xilli-cayaareedkan taasi oo mujineyso in Real madrid fursad u sineeysa in La liga ay ku guleeysan karto, balse waxaa tijaaba weyn sugaysa malinta khamista oo ay wajahayaan kooxda Getafe.