Ololeeyen ayaa bilaabatay oo la xariirto hirgalinta qaaciddada ee wadaagga dakhliga dalka oo dib loogu dhigo sannad.

Guddoomiyaha Golaha ismaamulada NFD Cali Roba, oo ah Gudoomiyaha ismaamulka Mandheera, ayaa sheegay in haddii qaaciddada oo ay sameysay Gudiga Canshuuraha Dakhliga dalka ee (CRA) la meel mariyo,ay dagmooyin badan ayaa lumin doona qoondaynta saami qaybsiga.

Ismaamulka Wajeer ayaa waax u noqon doonaa mid ka mid ah kuwa ugu khasaaraha weyn, iyada oo qoondeyntooda lagu goyn doono 1.9 bilyan lacagta dalka. Gaarisa waxaay laga yareyn doonaa lacagtooda 1.2 bilyan, Tana River (1.5 bilyan), Mombasa (1.6 billion), Kwale (995 million), Narok (887 million) iyo Isiolo (879 milyan). Mandheera iyo Marsabit ayaa dhanka kale arki doona dakhligoodu hoos oga dhaco 1.8 bilyan midkiiba.

Gavana Cali Roba ayaa ka codsaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu la shaqeeyo Senate-ka si qaaciidada loo hirgaliyo sanadka soo socda oo dib loo dhigo.