Ugu yaraan 166 qof ayaa ku dhimatay mudaaharaadyo rabshado wata  oo ka socda Itoobiya  maalmaha la soo dhafay kadib dilkii fannaanka caanka ah Haacaaluu Hundeessa,sida  booliska itoobiya xaqijiyeen.

Fananka heesha nooca  pop-ka ku heeso ee Haacaaluu Hundeessa, oo u dhashay  qowmiyadda oromada, ee ah qowmiyadda uguu badan dalka Itoobiya, ayaa waxaa lagu dilay weerar toogasho ah oo aan la garanaynin cida soo qaday oo ka dhacay Adisababa habeenimadii Isniinta, iyadoo ay sii kordhineyso xiisadaha qowmiyadeed isla markaana ay halis ku tahay kala-guurka dimuquraadiyadda ee dalka Itoobiya.

Toddobaadkii hore, Raiisel wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wuxuu sheegay in dilka Haacaaluu iyo rabshadaha xigey ay  yihiin isku dayo isku dubaridan oo khalkhal galinaya dalka Itoobiya.

Haacaaluu, oo ah 36-jir oo ku heesa luuqadda Oromada iyo qoraa gabaya-da ayaa Khamiista lagu aasay  magaaladiisa Ambo oo u kasoo jeedo, oo qiyaastii 100km galbeed ka xigta Addis Ababa.