Waxaa markale uu dib u dhac ku yimid shirka amniga qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo la filayey inuu si rasmi ah maanta oo Axad ah 5-ta July uu ka furmo gudaha magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa horey u iclaamiyey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), balse waxaa diiday oo gabi ahaan qaadacay madaxweynahayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntand.

Waxaa wali socda shirkii maamul u sameynta gobolada dhexe oo maanta soo gaaray magaalada muqdisho, xittaa Galmudug, Hirshabelle iyo maamulka koofur galbeed oo taageera dowlada.