Dad rayid ah ayaa lagu dilay kuwo kalena waa lagu dhaawacay tulooyin dagaal kasocda ee bartamaha dalka Maali kadib markii rag aan la aqooni xeebtooda oo wata mootooyin ay weerareen tuulooyinka qowmiyadaha Dogon, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah ee dalkaasi.

Weeraryahannadu ayaa waxaa ay bartilmaameed-sadeen afar tuulo Arbacadii gobolka Mopti,halkaasi oo ka dhacay xasuuq ba’an.

Moulaye Guindo,oo ah duqa magaalada Bankass,ayaa waxaa u sheegay magacyada liisaska ay ku qoronyihiin dhibbanayaashii Khamiista la dilay oo ah 32 qof.