Turkiga ayaa waxaa u weeraray meelaha xisbiga Kurdistan laga cayriyey ee Waqooyiga Ciraaq waxaana la diley seddex xubnood oo katirsan PKK.

Hub oo ay ku jiraan kuwa gantaallada riddada dheer laga tuuro, bambaanooyinka gacanta laga tuuro, iyo qoryaha wax weerara ayaa la burburiyey,sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Turkiga Manta oo Sabti ah.

Malinta Jimcaha,bayan ay soo sartay wasaaradda diffaca Turkiga ayaa lagu sheegay laba diyaaradood oo ah kuwa dagaalka ah ay burburiyeen “bartilmaameedyo argaggixiso” oo xiriir la leh PKK iyo Cutubyada Difaaca maleeshiyadka Kurdiyiinta Suuriya (YPG) ee gobollada Avasin iyo Baysan.

Ugu yaraan 40,000 oo qof ayaa ku dhintey dagaalka sedex sano socday ee u dhaxeeyay PKK iyo Turkiga. Ka dib markii heshiskii nabadeed uu burburay sanadkii 2015, kaas oo lagu soo afjaray xabbad joojin laba sano ah, dowladdu Turkiga waxay sheegtay in aysan ku laaban doonin wadahadallada kooxda PKK.