Sagaal askari oo katirsan ciidamada Mali ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay xarunta colaaduhu ka dilaaceen ee waddanka Mali iyadoo cidaanka ay kusii jeedeen goobta lagu xasuuqay dad hal tuulada degnaa bartamaha dalkaasi , sida u sheegay afhayeenka ciidamada Mali.

Weerarkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay Khamiista agagaarka tulada Gouari, oo ka mid ah tuulooyinka ay rag hubaysan ku dileen ku dhawaad 30 qof oo rayid maalin ka hor.

Unugya katirsan militari-ga Mali ayaa loo diray goobta si ay gacan uga geystaan aasitaanka 31 mayd ee ciidanka Mali, sida uu u sheegay AFP afhayeenka ciidamada Mali Cornel Diarran Kone.

Dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha Fulani iyo Dogon ayaa sii kordhayay bilihii la soo dhaafay, iyada oo kooxaha hubaysan ee bulshada ku saleysan oo markii hore loo sameeyay la shaqeynta ciidamda ay hadda bilaabeen weerarro ka dhan ah cidamada dowladda.