Anthony Martial iyo Marcus Rashford ayaa noqday lammaanayaashii ugu horreeyay ee Manchester United ee dhanka werarka ah tan iyo markii Cristiano Ronaldo iyo Carlos Tevez ay 10 rikoor ama wax kabadan oo Premier League ka dhigeen hal xilli ciyaareed.

Kooxda Red Devils ayaa ciyarta gool lagu furay,iyadoo su’aal la galiyay daafaca kooxda United iyadoo u ogolaaday Junior Stanislas inuu u furo gooldhalinta kooxda Bournemouth.

Weeraryahanka da’da yar Manchaster United ee Mason Greenwood ayaa barbareeyay, ka hor inta uusan Rashford fursad loo siinin inuu rigoore u beddelo gool.

Dhanka Greenwood ayaa helay fursad gool isagoo shabaqa soo tabtay halka Bruno fernades Gool dhaliyay dhanka kale 3 caawimad subiyay.