Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay hawda ka celisay diyaar ka timid dhinaca dalka Kenya, kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Diyaaradda oo siday qaad fara badan ayaa lagu soo warramayaa inay u rarneyd ganacsatado reer Somaliland, balse waxaa hawada ka celisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo heshay xog-ta diyaaraddaasi.

Go’aanka ay dowladda Soomaaliyua dib ugu celisay diyaaradda ayaa la xiriira sida la sheegay xiyaaradda weli saaran duulimaadyada ee ka dhashay cudurka Covid-19.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmahan uu yaraaday Qaadkii Somaliland uga imaan jiray dhanka Ethiopia, sababo la xiriira qalalaasaha ka socda gudaha dalkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee tallaabadan ayaa sii xumeyn karta xiisadda dhinaca hawada ee Soomaaliya iyo Somaliland oo dhowaan ay wada-hadallo uga bilowdeen dalka Jabuuti.