Tirada kiisaska coronavirus ee dalka ayaa kordhay oo gadhay 7,577 kadib markii 389 qof oo dheeri ah laga helay cudurka manta oo sabti ah.

Wasiirka Caafimaadka Dalka Mutahi Kagwe ayaa manta oo Sabti ah sheegay in dhammaan kiisaska manta la helay,marka laga reebo saddex, ay yihiin Kenyan,halka Da’da dadka laga helay kiisaska la xaqiijiyay manta ay u dhaxeeyaan hal ilaa 93 sano jir.

Mr Kagwe ayaa waxaa u warbixintiisa ku sheegay in kiisaska cusub, 248 laga helay magaalada Nairobi, 36 Kajiado, 27 Kiambu, 23 Mombasa, 17 Busia iyo toban ismaamulka Machakos laga soo tabiyay.

Ismaamulada kale ayaa waxaa ay yhiin Migori (sagaal), Kitui (lix), Makueni saddex), Uasin Gishu (saddex), Nakuru (saddex), Kilifi (laba), Gaarisa, Murang’a iyo Narok midkiiba hal kiis.