Maxakamad ayaa siidaayay maareeyaha bangiga KCB lantiisa Wajeer Sayid Ibraahim oo lagu eedeyey lunsashada lacag dhan 26 milyan oo laga dhacay ismaamulka Wajeer.

Xaakim Teresia Murigi ayaa sheegay in cadeymaha ku laxariro eedeynta ku sabsan dacwad ka dhanka ah Mr Sayid ay cadeyn.

Intii lagu jiray dhageysiga dacwada,ayuu Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud uu u sheegay maxkamadda in uusan bixinin amar ah bixitaanka lacagta garayso 25 milyan oo sababtay in saddex ka mid ah mas’uuliyiinta ismaamulkasi lagu maxkamadeeyo eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa.