Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uguu baaqay maamulaha ee Caasimada Nairobi Gen. Badi in uu ka dhigo magaaladatan Nairobi goob istaraatiijiyada u ah dib u soo kabsashada dhaqaalaha dalka kadib coronavirus-ka.

Uhuru ayaa sheegay in Barnaamijka Nadaafada Qaranka ee loogu magac daray “Kazi Mtaani Initiative” ay qayb muhiim ah ka ciyaari doonto arintaan dib u soo kabsashada dhaqaalaha dalka.

Mr Kenyatta ayaa Wuxuu ka codsaday maamulka cusub ee caasimadda in ay fiiro gaar ah siiso caqabadaha maamuleed ee wajahaysa magaala madaxda dalka.

Horaantii bishaan,madaxweyne Uhuru ayaa si rasmi ah u magacaabay maamul cusub oo hoos imaanaya Xafiiska Fulinta Madaxweynaha 18-kii bishii Maarso, 2020 oo ah muddo bil ah kahor kadib markii Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko laga wareejiyay afar howlo muhiim u ahaa ismaamulka Nairobi .