Dalka ayaa maanta oo Arbaca ah laga diiwaan galiyay 307 kiis oo cusub oo la xariirto Corona virus-ka iyada oo tirada guud ee dadka la xaqiijiyay ay dalka gaadhay 6,673.

Kiisaska cusub ee corona virus-ka ayaa la xaqijiyay kadib markii la tijabiyay 3,591 oo qof 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Mr Rashid Aman oo ah wasiir kuxigeenka wasaarada caafimadka dalka ayaa sheegay in tijaabooyinka guud ee dalka la suubiyay ay yihiin 173,355.

Qofka ugu yar ee kiisaska cusub ee maanta la halay ayaa hal sano jir ah,halka qofka ugu da’da weynina u yahay 81 sano jir.

Dhanka 50 qof oo bukaan ah ayaa laga saaray goobaha karantiilka kadib markii caafimadeen halka hal bukaan oo dheeri ah u dhintay.