Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digaysa in halista Covid-19 ay ka darraan doonto mustaqbalka dhaw sidii ay ahayd markii uu dilaacay cudurku lix bilood ka hor.

Kala bar dadka uu ku dhacay cudurku waxay ku nool yihiin Maraykanka iyo Yurub laakiin haatan Covid-19 wuxu aad ugu sii fidayaa labada qaaradood ee Ameerika.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in fayrasku uu ku dhici doono dad badan hadii aan dawladuhu bilaabin in ay dhaqan geliyaan siyaasado haboon.

In ka badan 10 milyan oo qof oo dunida oo dhan ah ayuu cudurku ku dhacay tan iyo markii cudurku ka dillaacay Shiinaha dabayaaqadii sannadkii hore.

Tirada dadka u dhintay ayaa haatan kor u dhaaftay 500,000.