Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya,mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalka Soomaliya loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweyna Farmaajo ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalka Somaaliya sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee dalka Soomaliya uu ku lahaa caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay.