KalKaliyaha Madaxweynihi hore ee dalka Mwai Kibaki ayaa meesha ka saaray hadalkii ahaa in Mr Kibaki la dhigay isbitaal.

Xoghayaha gaarka u ah Mzee Kibaki ee Ngari Gituku ayaa dhanka kale sheegay in Mwai Kibaki uu dhowaan tegay cisbitaal ku yaal magaaladatani Nairobi, lkn aan la seexinin isbitaalka sida ay warbahinta qaar ay qoreen.

Gituku wuxuu ku intaas ku daray in warbaahinta ay shegeen in Kibaki uu isbitaalka ku jiray 10 maalmood isagoona ku nuxnuxsaday in arintaas la buunbuuniyay ay sal iyo rad ay lahayn.

Si kastabo ha ahaate Mr Gituku Ma uusan shacinin cisbitalka uu tagay madaxweynihii hore ee dalka.